Riaz Shah, Aidan Sadgrove, Natasha Porter Madaxa

Transkript

Riaz Shah, Aidan Sadgrove, Natasha Porter Madaxa
 This letter is available online in other languages Bu mektup Türkçe çevrimiçi kullanılabilir Ten list jest dostępna online w języku polskim Warqaddan waxaa laga heli karaa online af Soomaali www.onedegreeacademy.org/letters Miyaad rabtaa inaad cunuggaaga u hesho dugsi aad u fiican? Miyaad ka welwelsan tahay inaad Seteembar boos ka heli doonin dugsiga aad xulatey? Gacaliye waalid, Waxaan warqadaan kuu soo qorney si aan kuu ogeysiinno in dugsi cusub lagu magacaabo, One Degree Academy, sanadkaan laga furi doono saldhigga Silver Street agtiisa. Iminka waxaa weli ka bannaan boosaska carruurta 4 jirka ah ee Seteembar ka bilaabaan doono Dugsiga xannaanada. Waxay heli doonaan fursadda ay dugsigaan u dhigtaan ilaa ay ka gaaraan 18 jir, kadibna waxaan rabnaa in dhammaantooda boos laga siiyo jaamacad fiican. Sanadka 2018, waxaan ka guuri doonnaa meesha aan iminka joogno, waxaana u gudbi doonnaa dhismo cusub ee ku yaalo saldhigga Silver Street Station. Inkastoo aan nahay dugsi nooca Academy, oo dowladda maalgeliyey, waxbarashada waa bilaash. Haddii aadan ku faraxsaneen xulashoyinka aad iminka qabtid, ama ka welwelsan tahay in cunuggaada heli doonin dugsi fiican, markaa fadlna manta codsi soo samey. Kani ma burburinaayo codsiga aad ka sameysey dusgiyada kownsalka Haringey ama Enfield. Wuxuu ku siin doonaa uun xulasho dheeraad ah, oo aad ogolaan kartid haddii aad xulato. Nala soo xiriir ama internetka codsiga ka sameyso: www.onedegreeacademy.org/contact/ Waxaan nahay xirfadlayaal iyo macallimiin aad ugu khibradeysan beddelka nolosha dhallinyarada. Waxaan maalgeliney labo ka mid ah dugsiyada ugu waxbarasho fiican ee dalkaan. Ballanqaadka aan qoyska u sameyneyno waa in One Degree uu lahaan doono: • Macallimiin aad u fiican, oo xoog saaraayo guulka waxbarasho • Dugsi yar, si carruurta fursad u helaan inay is-­‐bartaan iyo bartaan macallimiintooda • Dugsi loogu talagalay carruurta leh 4 ilaa 18 jir, iyo siinaayo bay’ad nafaqayn leh oo lagu taageero sida gurigooda. Aad ayaan ugu faraxi doonnaa inaan soo dhaweyno cunuggaada, annagoo rabno inaan kula shaqeyno si aan u oofinno riyooyinkooda, tallaabo ka tallaabo. Salaan wacan, Riaz Shah, Aidan Sadgrove, Natasha Porter Madaxa guddoomiyayaasha Maamulaha Asaasiyayaasha Guddoomiye Kaashade Sare, EY Hoggaamiye dugsi khibrad leh Aasaasiye, King Solomon Academy Hassan Al-­‐Damluji Jacob Kestner Roger Wynn-­‐Dyke Guddoomiye Guddoomiye Guddoomiye Fuliyaha Hay’ad samafal Aasaasiye, Reach Academy CEO, Barnaamijka talinta One Degree 

Benzer belgeler

Saygılarımızla, Riaz Shah, Aidan Sadgrove, Natasha Porter Müdür

Saygılarımızla, Riaz Shah, Aidan Sadgrove, Natasha Porter Müdür This  letter  is  available  online  in  other  languages   Bu  mektup  Türkçe  çevrimiçi  kullanılabilir   Ten  list  jest  dostępna  online  w  języku  pol...

Detaylı

Carwadan waxaa lagu soo bandhigi doonaa

Carwadan waxaa lagu soo bandhigi doonaa Nagala soo qeybgal xafladaan “Yey Ku Dhaafin” ah oo la hubo in ay siin doonto akhbaaro iyo fursado qiimo leh dadka doonaya inay ganacsi furtaan ama yeeshaan! Waxaan ku filanaynaa Agoosto 13keeda!

Detaylı

caruurta qoy saska luuqa daha badan ku hadla - NAFO

caruurta qoy saska luuqa daha badan ku hadla - NAFO dhigata, dhaqaalahaa oo ay isticmaali karaan in ay ku shaqaalaysiiyaan kaaliyeyaal laba-luuqadood le ah. Haddii aad war dheeraad u baahantahay mareegtan ka sii akhri: http://www.udir.no/Barnehage/R...

Detaylı