Bashiir Maanta, Shalayna Sadaam

Transkript

Bashiir Maanta, Shalayna Sadaam
ILAYS WAA WARGAYS MADAXBANAA OO TODOBAADKII 2 JEER LAGU DAABACO MADBACADDA HORYAAL BOSASO
ILAYS
ILAY FOUNDER IN 1991
C/SHKUUR MIRE AADAN
ILAYS EDITOR
OMAR SICIID M’ED
AXAD 8 MARCH 2009- Caddadkii 11aad, Tell:-90712246 ama 66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh
Bashiir Maanta, Shalayna Sadaam
“Nin Dharbaaxa Quureed Dugsaday
“Dhashaaday Eersataa
Dhaqayadeed Maalye”
Xaajadaa Dhowrataa Abide”
Al-Bashiir Ma Dambiile
Dagaal baa?
W/Q :-Ashkir Nuur Ahmed,
M
Biddix, Obama,Gordon Brown, Raisul Wasaaraha Ingriiska, dhexda Sarkozy, Madaxweynaha Fransiis
,iyo Luis ,qareenkii soo Oogay Dacwada, Midig, Madax. Suudaan oo ku dhex Jira Mudaharadayaal
axkamada
Dambiyada Dagaalka ee
(ICC) ayaa 4 March, 2009,
waxay soo saartay Warqad
lagu soo xirayo Madaxweynaha Wadanka Suudaan
Cumar Xasan Al-Bashiir,
waxaana lagu soo eedeeyay in Dambiyo Dagaal oo
Bani’aadanimada ka dhan
ah uu ka galay Gobolka Darfur ee dalka Suudaan.
Haddaba, Dambiga loo Haysto Al-bashii ma xaqiiqaa mise waa dhalanteed kale oo Wadamada
reer
Galbeedku rabaan inay ku mashquuliyaan
Golaha Xukuumadda Puntland Oo isku raacay
Ummada reer Suudaan,Dowladaha Carabta iyo
Isku jaangooynta Canshuurta iyo Sarifka Dollarka.
kuwa africanka, waxaa iswaydiin mudan, Maxay
Garowe,05,March, 2009
yihiin Dambiyada lagu eedaynayo Madaxweyne
Kulankii caadiga ahaa ee Todo- Al-bashiir.Bal aynu dib u milicsano sidii uu ku bilbaad walba isugu iman jireen lowday Dagaalka Gobolka Darfur.
Gollaha Xukuumadda DGPL ayaa
Khamiis, 05 March 2009 ka dha- Dagaalka Gobolka Darfur waxa uu bilowdey
cay Xarunta Madaxtooyadda ee 2003,ka dib markii ay dagaalameen Shuftada loo
yaqaan Janjawiid iyo jabhado ka soo jeeda Dadka
Garowe.
Kulankaas
waxaa
Gudoomi- u badan ee u dhashay Darfur.
nayey Madaxweynaha DGPL
Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Fa- Darfuur ma aha sida ay jecelyihiin Kooxaha u
roole. Ajandayaashii ugu muhiim- dooda xuquuqda reer daarfuur, Degaan hal Qasanaa ee looga hadlay ayaa ahaa biil uu deganyahay balse waa meel ay daganyihiin
warbixin ay soo jeediyeen khubaro Qabaa’ilo ku abtirsadadad dad kala duwan laaSoomaaliyeed oo ku takhasu- kinse isku diin ah,waxaa xaqiiqa in ay u badanyisay degaanka. Maxadmed Xas- hiin dadka loo yaqaan (foor) oo waxaa loogu bixian Barre iyo sarkaal ka socday yay daarta reer foor ama hooyga reer foor,laakinse
Haya’dda Care International ayaa Darfur waxaa dega qabaa’ilo fara badan sida Alsi faahfaahsan waxay uga hadleen habaaniya, Al-tacaayusha, Al-zaqaawa iyo Arab
khatarta ku soo fool leh degaanka al- ruxal.
iyo xaalufka aafeeyey dhul daaqsimeedkii iyo duurjoogtiiba. Waxaa Degaanka Darfur waxaa uu ka kooban yahay sadxubnaha Gollaha Wasiirada loo dex gobol oo ay wada degaan Qabaa’ilka carabta
qaybiyey qoraal ay soo diyaarisay iyo afrikaankaba, hase yeeshee markii uu dagaalka Sokeeya ka qarxay darfur,
Wasaaradda Degaanka.
Gollaha Wasiirada P/land Oo Fadhiya Kulankii Khamiislaha
EEG BOGGA 2AAD
EEG BOGGA 3AAD
GUDAHA
EEG BOGGA 2AAD
WARAYSI AL-JAZEERA
ABUUMANSUUR:
BEENLOW MISE
NIN LAGU BEEN
ABUURTAY?
EEG BOGGA
4AAD
Somaliya: Sun Ma
lagu Aasay?
‘’Maxaa Loo dilay
Ilaria Alpi’
EEG BOGGA 5AAD
Nabar Aan
Dawoobeyn.
Sheeko Taxane ah
EEG BOGGA 4AAD
AXAD 8 MARCH 2009
Maxaa sababey dagal
beeleedka Bari?
Xigasho, Garoweonline.com
aamulka Puntland ayaa wafti
hogaaminaya ciidamo u direy
degaanka Ufeyn ee ku yaala gobolka Barri halkaas oo isku-horimad uu
ku dhexmarey beelo walaalo ah oo
wada daga.
M
Beelaha Cali Jibraahiil iyo Cali Saleban ayaa Iska-horimaad ku dhexmarey Isniintii degaanka Moqor halkaas
oo muran dhuleed ka taagnaa muddo
Afar bilood ah.
Dagaalkan ayaa sida warar aan la
xaqiijin sheegayaan iney ku dhinteen
5 qof oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamey halka dhaawacu cagacageynayo 15 toban.
Murankaan dhuleed oo maamulka uu
madaxweynaha ka yahay Cabdiraxman Farole la kowsadey markii uu
xukunka qabtey ayaa salka ku haya
kadib markii shirkada [Africa Oil] u
sheegtey qabaaíl halkaas wada daga
in ceel shidaal ka heleen degaanka
ku xeeran Ufeyn.
Africa Oil oo shirkada Range Recource ka iibsatey qayb ka tirsan heshiis muran siyasdeed dhaliyey ayaa
heshiis baaritaan la gashay shirkad
la yeerahdo IMC taasoo weli aan xog
ah u soo gudbin maamulka cusub ee
Puntland.
Khilaafka u dhexeeya labadaan belood ayaa dhinaca kale cirka isku
shareeray kadib markii Beesha Cali
Saleebaan degaankaanka Moqor ka
dhistey Baraag iyo Masjid halka beesha kale maleeshiyaad soo dhoobeen goobtaas.
Maamulka Puntland oo dhexdhexaadin ka galey is-maandhaafkaan dhuleed ee u dhexeeya labada beelood
ayaa beesha Cali-Saleebaan ku
xirtey inay halkaas ka guurto in marka hore la keeno nin beesha kale ka
dhashay oo horey dil u gaystey.
Warar kale ayaa shegaya in besha
Cali Jibrahiil keentay dadkii lagu
tuhunsana dilkas hore balse beesha Cali Saleban odayaasheeda ku
guldareysten in maleshiyadkooda ka
soo raraan degaankas islamarkaana
bur-buriyaan dhismayashii halkas
laga dhisey.
Madaxweynaha DGPL oo shir degdeg ah la galey xubno ka tirsan Wasiiradiisa ayaa halkaas u soo direy ciidamo xoogan oo ay hogaminayaan
Wasiirka Arrimaha Gudaha Ilka-jiir
iyo Wasiirka aminga Cabdulahi Siciid
halka magalada Bosaso ka baxen
xubno ka tirsan odayaasha labada
beelood ee wada daga.
Mamulka iminka ka arrimiya Puntland
ayaa ka dhaxlay Xukuumadii hore khilafaad u dhexeeya beelo wada daga
gobolada Nugaal & Barri kuwaasoo
laga yaabo iney hakad galiyan dib u
sax Xukumada cusub sheegtey iney
sameynayso hayádaha dowliga ah.
2
ILAYS NEWSPAPER
Bashiir Maanta, Shalayna Sadaam
T
aarikhda ayaa ah mid dadka barta waayo aragnimada nolosha
laga dhaxlo ee is jiirka xadaaraha
weligood tartanku ka dhexeeyey.
Laba sano iyo dheeraaad ayaa qool
qoorto loo suray hogaamiye carbeed
oo waqti ahaa mid si weyn reergalbeedka iyo Yuhuud u neceb yihiin.
Waxaa la is weydiin karaa maxaa
uu eersaday Sadam Xuseen Al-Majiid.? Miyeey dhab tahay sababta
loo daldalay dad lagu laayey xaafada la yiraahdo Dejeel ee ka tirsan
Wadankuu Madaxweynaha ka ahaa
. waa su’aal furan oo la isweydiin
karo maxaa loogu Maxkamadayn
waayey Boqolalkii Falastiiniyiinta
ahaa ee uu ku gumaaday Sabra iyo
Shaatila Lebnaan Ra’iisul Wasaarihii
Hore ee Israa’iil Areil Sharon? Maya
Naftiisa ayuu difaacayey,,,,,,, ayaa
reer Galbeedku qiil ka dhigtaan.
Sadam markii la daldalayey waxaa
garabaha ka hayey oo uu ka diiday
inay indhaha ugu xiraan maradii
madoobayd laba dhalin yara ah oo
asalkoodii yahay Yuhuuda reer Ciraaq. Daddalaadaas ayaa ahayd
fariin loo dirayey Hogaamiyaasha
Carabta iyo kuwa Islaamka ahba.
Waxaa loogu sheegayey in midkii ka
mid ah iyaga, waa hogaanka Muslimiinta e inuu sidaas ku dambayn
doono hadii aanu qaadan waxa loo
sheego..
Xeer Madaxweyne.
Garowe,07 March,2009
Waxaa
xafiiska Madaxweynaha
ka soo baxday xeer Lrkiisu yahay
16,kuna saabsanaa Qiimaha Doollar
iyo qaadista Canshuurta100%.
Xeerkan ayaa ahaa qodob ka mid
ah qodobadii ka soo baxay Shirkii
Khamiista ee ay yeesheen golaha
Xukuumadda.
1.In laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 07/03/2009,qiimaha
Canshuurta halka Doolar, ooh ore
u ahaa 22,000/Sh/So laga dhigay
28,000/Sh/So,halka Doolar,laguna
qabanayo Canshuurta Dawladda.
2.In Canshuurta Dawladda loo qaado si buuxda 100% siiba qaadka ee
loo samayn jiray waxa loo yaqaan
discountka.
3.xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa
markuu Madaxweynuhu Saxeexo
Xeerkan ayaa ah mid uu saxeexay
Madaxweynaha Dawladda Puntland
Dr:Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud.
Xeerkani waxaa uu ku soo beegmay
iyadoo Qiimaha Dollarku uu aad
hoos ugu dhacay Maalmaha
Dhowaan waxaa Yuhud Olmert amray in la galo oo la xasuuqo dadka
degan Qazza. Dunidoo dhami waa
daawanaysay. Xeegee ayuu jiray Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda
Caalamiga ah ee Haag. Oohintu orgi
ka weyn. Maxay tahay sababta loo
daba joogaa oo Bashiir loo leeyahay
waxaa uu galay dembi dagaal.ma
waxaa loo danaynayaa dadka reer
Daafuur. Ma ahan arrintu reer Daafuur, waxaa la doonayaa in la burburiyo Sudan.
Madaxweyne Bashiir waxaa uu u
muuqday nin isku hayn karayey Sudan. Waxaa uu heshiis la gaaray
Mucaaradkii Konfurta. Markaas ka
dib ayaa la abaabulay dhibaatada
Daafur . si loo muujiyo in lagu xad
gudbay waxaa loogu yeero xuquuqda
Aaadamaha. Ma fahmi kartaa waxaa
dagaalka catnkaas ah loogu hayo AlBashiir , waxaa kale ma ahane waa
isagoo u janjeera ku dhaqanka Shareecadda Islaamka , iyo Xisbiga uu
hogaamiyo oo astaan islaanimo ka
muuqato. Waayo maxay shacabka
reer Daafur ee islaamka ahi kaga duwanaan karaan Shacabka reer Falastiin ee Yuuhuudu Gumaaday…..
Xabsi u taxaabida Al-Bashiir ayaa
qasdiga laga leeyahay waxay tahay
oo keliya in dadka Islaamka ah ay ka
daawadaan Cumar Xasan Al-Bashiir
oo ku dhex jira qasafka Maxkamada
KA YIMID BOGGA 1AAD
Al-Bashiir Ma Dambiilaa--
w
axaa soo baxay Hogaamiyayaal
reer darfur oo sameeyay Jabhado la dagaalama xukuumada sudan,
islamarkaana u ekeysiiyay dagaalka
Darfur, dagaal u dhexeeyay Carabta
iyo Dadka Afrikaanka,
C/waaxid Maxamed Al-nuur oo ka
bartay cilmiga Qaanuunka Jaamacada Al-khartuum, Haddana Dalka faransiiska degan, wuxuuna sameeyay
Dhaqaaqa loo yaqaan Xorraynta
Suudan, isla waqtigaas waxaa kaloo
la sameeyay Dhaqdhaqaaqa kale ee
loo yaqaan Sinaanta Iyo Cadaalada oo uu Hogaamiyo Dr. Khalid
Ibraahim oo ah nin ku takhakhusay
Caafimaadka,kana qalan jebiyay
Jaamacada Al-jazeera.
Dhaqdhaqaaqyadan reer darfur waxay ku eedeeyeen Xukuumada khartuum in ay garab istaagta Jabhada
Janjawiid oo ah burcada dadka reer
darfur Xasuuqda, balse arrintu waxay ahayd in dadkan ay isku haystaan
Beero iyo dhul-daaqsimaad, Dowlada Suudaan waxay markii horre Dagaal ku qaaday Jabhadaha Xorraynta Suudaan iyo Jabahada Sinnaanta
iyo Caddaalada,laakiin dagaalkii wuu
istaagi waayey oo dowlada Suudaan
waxaa qasab ku noqotay in ay wadahadal ku xaliso mushkillada Darfur,
waxaa loogu yeero mida Caalamga
ah.
Go’aanka geesimiada lahaa ee ay
qaadatay Dawladda Sudan ayaa
ahaa mid ku dayasho mudan. Waayo
Maxkamadaasi sharci uma lahan
go’aanka soo qabashada hogaamiyaha Sudan. Waa geesinimadii lagu
yaqaanay inuu Sudan ka eryo kuwa
loogu yeero samafalayaasha . balse
ah Jawaasiista reer galbeedka. Isu
soo bixii ka dhacay Khartuum ee uu
ka hadlay Al-Bashiir waxay dadka
Soomaaliyeed dib u soo xusuusisay
kolkuu Maraykanku isku dayey inuu
soo qabto Hogaamiye kooxeedkii
Soomaaliyeed ee Gen, Maxamed
Faarax Caydiid. Taasoo lagu guuldaraystay. Markaas sow la ma oran
karo reer Sudan ma ka litaan taageerayaashii Caydiid ee iyagu diiday
in la soo qabto hogaamiyahoodii.
Xumaan iyo samaan kuu doono ha
lahaadee.Mise waxay la mid noqon doonaan dhoohanayaasha reer
Ciraaq oo hortooda lagu daldalay
haduu xumaa iyo haduu fiicnaaba
Sadam Xuseen.
Waxaa ka war dhowraa waa talabada dhabta ah ee reer Sudan
mucaarad iyo mu’aydiba ka qaadi
doonaan talaabada aan la aqbali
karay ee ay ku talaabsadeen xeer
ilaaliyayaashaa waxa loogu yeero
Maxkamada Caalamiga ah ee Dembiyada dagaal.
waxayna u yeertay jabahadihii dagaalka ka waday daarfoor oo markii
horre ahaa 2 jabhadood oo qura
markii danbase noqdey 40 jabhadood.
Taariikhdu markay ahayd 2006,
Dowlada Suudaan waxay la heshiisay xooga xoreynta suudaan oo
ahaa dhaqdhaqaaq ka go’ay dhaqdhaqaaqii C/wahiid al nuur, waxaana hogaamiyay ururkaas ninka loo
yaqaan Minii Arkoo Manaawi, wuxuuna noqdey caawiyaha madaxweynaha Suudan,isla markaasna waxaa
loo magaacay Madaxweynaha ku
meel gaarka ah ee gobolka daarfoor.
Mr Manaawi waxaa uu ka soo jeeda
qabiil Al zaqaawa,waana isla qabiilka
uu ka soo jeedo khaliil ibraahiim oo
madax ka ah Jabhadda sinnaanta
Iyo Cadaalada,waana qabiil daga
wadamada Suudaan iyo Chad
Arrintu siday doonto ha ahaatee,
Jabhadihii kale
ee ka dagaalamayay Gobolka Darfur way ku qanci waayeen Wadahaladii ay wadeen
Midowga Africa iyo wadamada kale,
waxayna sii wadaan dagaalkii iyagoo
gacan ka helaya dowlada shisheeye
ooy ka mid yihiin Chad iyo faransiika.
Suxufi Ashkir, Cadadka xiga ayuu ku
faahfaahin doona Arrinta Darfur
3
ILAYS NEWSPAPER
KA YIMID BOGGA 1aad
Golaha Xukuumadda Puntland Oo isku raacay
Isku jaangooynta Canshuurta iyo Sarifka Dollarka.
Garowe, 5,March,2009,
Intaas ka dib ayaa Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Dr. Faarx Cali Shire
waxaa uu gollaha u soo jeediyey warbixin ku saabsanayd qoraalo ay u soo
gudbiyeen gudigii Dhaqaaalaha ee
uu dhowaan magacaabay Madaxweynuhu, waxaa kaloo uu soo bandhigay qaab la isugu jaangooynayo
canshuurta DGPL hadda qaado iyo
heeheebka sarifka Dollar-ka, Wasiirka Maaliyadda ayaa si cad u qeexay
in miisaniyadda lagu dhaqmo iminka
tahay midi la jaangooyey Sanadkii
2002-dii. Balse Doolarkii is bedelay. Canshuurtuse aanay is bedelin.
Waxaa uu sheegay in qofka qaataa
hal malyan iyo bar sanadkii 2002-dii
uu helayey ku dhowaad boqol dollar
halka maanta hal malyan iyo barku
ku dhigmo afartan Dollar..
Waxaa Wasiirku Gollaha u sheegay
in kororka lacageed ee imaankaraa
uu yahay mid aad u yar marka la isu
dheeli tiro lacagaha qalaad iyo shilin
Soomaaliga . waxaa uu sheegay inay
miisaaniyadda ku kordhi karto Shan
Bilyan oo shilin.
Xubno ka mid ah Gollaha Wasiirada
ayaa soo jeediyey in Canshuurxad
dhaaf ah lagu soo rog Qaadka iyo
Sigaarka , iyadoo kuwa kalena soo
jeediyeen in waxyaabaha aan daruuriga ahayn canshuur la saaro. Guud
ahaan Wasiirka Maaliyadda ayaa
sheegay in qaabka Canshuuraha loo
qaado ee Puntland dib u habayn lagu
samaynayo oo la soo gaarsiinayo
hababka casriga ah ee caalamka
wax looga canshuuro.
Gabgabadii kulankaas ayaa Madaxweynaha DGPL Dr.Cabdiraxmaan
Maxamed Faroole waxaa uu soo
jeediyey in cashuur kordhinta ay
iska leeyihiin Gollaha Barlamaanka , Gollaha Xukuumaduna ay soo
jeedinta leedahay. Sidaas darteed
dheeli tirka sarifka shilin Somaliga
iyo dollarka oo keliya ay xukuumadu
awood u leedahay. Waxaa kaloo uu
carabaabay in kororkaas dheeli tirka
sarifka ay si siman u wada gaarayso dhamaan waxyaabaha la canshuuro ee aan mid ama koox si gaar
ah loogu kordhin Karin ilaa Gollaha
Barlamaanku anxisiyo soo jeedinta
Gollaha Xukuumadda.
Golaha Wakiilada PL oo
Xarun Cusub loo Dhisayo
Garowe, 06,March,2009 Puntlandpost.com
M.waynaha PL Dr.C/raxmaan Sheekh
Maxamed ayaa booqasho ku tagay
duleedka magaalada garowe ee
dhanka waqooyi halkaa soo ay ka
dhisan tahay xarun loo sameeyay
Wasaaradda Caafimaadka wuxuuna M.waynuhu sheegay in Golaha
Wakiilada isla meeshan looga dhisi
doono xarun cusub oo casri ah.
Dr.C/raxmaan wuxuu sheegay in
dhulka buuralayda ah ee dhanka
galbeed ee magaalada oo dhan ay
dawladu leedahay cid sheegan kartaana aysan jirin wuxuuna amar ku
baxshay in cid kastaaba oo dhagax
dhigatay ay ka gurtaan haddii kale ay
dawlada hoose ay u daabuli doonto
dhismaha xabsiga magaalada.
M.waynuhu wuxuu kaloo sheegay in
dhammaan xarumaha dawlada loo
soo rari doono buuralayda magaalada duleedkeeda ah wuxuuna isla
goobtaasi ku baxshay amar in ay
xarumo ka dhistaan dhowr Wasaaradood oo ka mid tahay Wasaaradda
Caddaalada oo uu halkaasi joogay
Wasiirka Wasaaradaasi C/risaaq
Yaasin C/lle.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada
Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa
sheegay in uu aad ugu faraxsan
yahay in Golaha Wakiiladu ay yeeshaan xarun cusub oo ka baxsan
magaalada wuxuuna dadwaynaha
dhagax dhigtay goobtaasi
ka cosaday in ay dhagxaantooda ay
uga gurtaan si hufan.
Duqa Caasumada Garoowe C/qaadir
Cismaan Samatar (foodcade) ayaa
wuxuu sheegay in dawlada hoose ay
fulinayso amarka M.waynaha wuxuuna dadwaynaha u jeediyay in muddo 15 maalmood ay kaga gurtaan
dhagxaanta ay dhigteen wixiii iminka
ka dambeeyana uu dhulkaasi yahay
dhul dawladeed.
Inj.C/qaadir Xaaji Ciise Xaaji Cumar
oo ah Injineerka dhisaya dhammaan
dhsimayaasha dawlada ee cusub
ahna madaxa shirkada dhismaha
ee Mubarak Construction Company
ayaa wuxuu sheegay in uu mar hore
diyaarshay naqshada dhismaha cusub ee xarunta Golaha Wakiilada
ayna isku raaceen M.waynaha iyo
Guddiga joogtada ah ee Wakiilada.
Inj. C/qaadir wuxuu sheegay in uu
naqshad habaysan oo bilicsan oo
wax kasta u dhan yihiin uu samayn
doono marka uu helo xuduudaha
dhulka (Bounders) ee la doonayo in
laga dhiso xarumaha dawlada oo ay
madaxtooyadu ka mid tahay.
Dhulkan ay dawladu doonayso in
ay u guurto oo loo raro dhammaan
xarumaha dawlada oo ay ka mid
tahay madaxtooyada ayaa wuxuu
yahay dhul buuralay ah oo ad u
qurxoon oo ka sareeya magaalada
wuxuuna dhanka galbeed ka xigaa
xerada ciidmada ee 54-aad.
WARAYSI
AXAD 8 MARCH 2009
ABUUMANSUUR: BEENLOW MISE
NIN LAGU BEEN ABUURTAY?
QAYBTII 2AAD
Haddaba kuwaasi markii ay ku talaxtageen ka ganacsiga muslimiinta bay
mujaahidiintu go’aansadeen inay la
dagaallamaan, waxayna weerareen
Airporradii ulajeeddooyinkaas loo isticmaali jiray, dadkii gacantooda ku
jirayna iyagoo bedqaba bay kasoo
furteen. Markaas keddib waxa billaabmay hawlgalkii wadajirka aan u
fulinnay annaga iyo maxkamadihii
islaamka. Taageerada shacbiguna
qaybweyn bay ka qaadatay soo afjariddii dagaalka. Hawlgalkaas keddib
dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab wuxuu
noqday mid can ka ah dalka.
Annagu waxyaabahaas oo dhan
waxaan ugu dhaqannaa sida ay yihiin, laakiin sidii khilaafada Islaamka
loosoo celin lahaa, waxan taas ku
gaaraynaa diin fidinta iyo xisaabtanka iyo jihaadka. Dadka waxan
u caddaynaa waddada saxda ah,
waanan iska leexinnaa cid kasta oo
diin fidintaas hor istaagta, waxanan
sidaas kusoo celinaynaa khilaafadii
Islaamka, arrintaas soo billaabashadeediina hadda way muuqataa
oo Baydhabo shareecada Alle ayaa
laga fuliyaa.
Al-Jazeera: Waxaa jira dad dhahaya waxad xiriir la leedihiin ururka
Al-Qaacida, arrintaas dhabteedu
maxay tahay?.
Al-Jazeera: Sida aad sheegayso
hadduu arrinku yahay, qabuuraha
oo la dudumiyo ama Alaska in la
gaaro oo halkaas shareecada lagu
dhaqaa ma kamid yihiin yoolalkiinna maanta kuwa ugu horreeya?.
Abuu-Mansuur: Xiriirka naga dhexeeyaa waa xiriirka qofka muslinka ah
kala dhexeeya walaalkiisa muslinka
ah, caqiiqada muslinkana waxa
dhuuxeeda kamid ah Al-Walaa’u walBaraa (La jir iyo ka jir) oo ah in aad
ka fogaato gaalada oo aad xiiririso
muslimiinta oo dhan oo aad jeclaato.
Waa kaas xiriirka nagala dhexeeyaa.
Way noo duceeyaan, waaanan u duceyanaa. Mararka qaar waxay Internetka ku baafiyaan talooyin aan wax
badan ka faaideysanno ama farriimo
ay Internetka inoosoo mariyaan oon
aad ugu faraxno, waxana ugu dambeeyay cajalkii uu soo diray walaalkeen Abuu-Yaxya Al-Liibiyi. Hadalka
caynkaas ah markaan maqalnana
aad baan ugu faraxnaa. Ma jiro xiriir
dhow oo keenaya in aan iyaga kamid
nahay ama iyagu ay naga mid yihiin,
laakiin waynu iska tirsannahay marka
laga eego inay muslimiin yihiin. Iyagu
waa mujaahidiin, cadawgeennuna
waa mid, Maraykanka ayay la dagaalaan annaguna waan la dagaalnaa, gaalada kale ayay la dagaalaan
annaguna waan la dagaalnaa, waxay doonayaan inay shareecada Alle
dhulka ku fuliyaan annaguna sidoo
kale, waxan diidaynaa xuduud beenaadda uu isticmaarku sameeyay oo
u diidaysa qofka Ciraaqiga ahi inuu
Jordan tago, Sacuudiguna Yaman
tago, waxanan codsanaynaa in dalalka Islaamka la mideeyo, ayaguna
sidaas bay doonayaan. Waxa jiraa
waa uun intaas, laakiin urur ahaan
kama tirsanin, laakiin aad ayaan u
jecelnahay.
Al-Jazeera:
Dhaqdhaqaaqiinnu
yoolalka uu hiigsanayaa ma u kala
horreeyaan?
Abuu-Mansuur: Shareecada Islaamku waxay wax ku xukuntaa kitaabka, sunnada, wada-jirka Culumada
(ijmaaca) iyo cabbirka (qiyaasta).
Abuu-Mansuur:Anigu magaalada
Baydhabo ayaan marka hore hagaajinayaa, waxanan ka hirgelinayaa ku
dhaqanka shareecada Alle, keddib
waxaan u gudbayaa Diinsoor oo
kamid ah magaalooyinka gobolka
Bay ayada ayaanan hagaajinayaa,
sidaas bayna arrimuhu u soconayaan. Markaad rabtid inaad geed
fuushis jiridda ayaad ka billaabaysaa ee ku boodi maysid laamaha.
Warkaas waxa faafiyay kanaalka AlGezira ee Afka Ingiriiska ku hadla,
waxayna warkaas ka gudbiyeen nin
xamaasadaysan isagoo leh shareecada ayaan ka fulinaynaa Alaska,
warkaas oo u eg mid ay yiraahdeen
rag ka tirsanaa maxkamaidhii Islaamka. Warkaas waa la’ii sheegay
ee anigu qof ahaantiisa kama aanan
maqal. Waxay dheheen Ciidda waxaan ku tukanaynaa Addis Ababa,
arrintaasina ma aysan dhicin. Waxa
warkaas yiri dad aynaan garanayn,
laakiin kuma jiro istiraatiijiyadeenna.
Ma doonayno in aan cidna ku xadgudubno. Waxaan doonaynaa in aan
dhulkeenna hagaajisanno, diinta Islaamkuna khasab mid lagu soo galo
ma aha.
Dhanka qabuuraha, meelaha uu
dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta AlShabaab keligiis xukumo waxa ku
yaal qubuuro, hana rumaysannina
haddii la idin yiraa waa la dudumiyay. Duduminteedu shareecada ma
waafaqsan tahay mise maya taasi
waa mas’alo kale oo baaritaankeeda
leh., waana la faaqidi karaa marka
waqtiga ku habboon la gaaro.Annagu waan naqaannaa waxa kutubta
ku qoran, laakiin arrinkaas in laga
hadlo waqtigaan hadda la joogo waa
wax kale.
LA SOCO CADADKA XIGA
AXAD 8 MARCH 2009
ILAYS NEWSPAPER
Barnaamijka Xukumadda Dawlad
Goboleedka Puntland 2009-2012.
QAYBTII 3aad
AMNIGA:
A
mnigu waa asaaska nolosha adamaha ama noolaha oo dhan.
Waxaana muhiim aha inaan xoogeenna oo dhan saarno, dawlad iyo
shacabba, sugidiisa si wadajir, loogu
wada hawlgalo melmarintiisa. Taas
oo ah gundhigga siyasadda amniga
ee xukumadaan. Haddaba, waxaa
xukumaddan ka go’an:
• Sugidda iyo xojinta amniga dalka oo
dhinac walba ah; sida difaaca xuduudaha DGPL iyo xojinta amniga gudaha, la dagaalanka burcad badeedka, afduubka berriga iyo tahriibta, si
loo yareeyo dhibaatada dadka loo
gaysanayo, nabadeynta beelaha,
daryeelka iyo ilaalinta deegaanka.
• Adkeynta midnimada iyo amniga
DGPL iyo soo celinta qeybaha hadda
maqan, sida ugu dhaqsaha badan,
iyadoo la adeegsanayo qorshe
cad oo laga baaraandegay oo tala
wadaag ah.
• Helidda ciidan TIRAKOOBAN oo
dhab ah, lana arki karo, oo aan aheyn
kuwa waraaqaha mushaarka keliya
ku qoran (jooge maqane). Waxaa
xukuumaddu durba ku tallaabsatay
magacaabid iyo hawlgalka guddi
nabadgeliyo oo madaxbannaan (independent security commission) oo
loo xilsaaray tirakoobka, diiwangelinta iyo dib-u-habeynta ciidamada
Drawishta, Poliska iyo Asluubta. Tirakoobkani wuxuu ka mid yahay tallaabooyinka Xukumaddu ku talagashan
tahay inay ku saxdo ammaanka iyo
dhaqaalahaba. Waxaa looga golleyahay in la helo ciidan kooban oo
la bixinkaro mushaarkiisa iyo kharashyaadkiisa kale, dabadeedna la
tababari karo, si loo helo ciidan taya
leh oo hanankara nabadgeliyada
dalka.
DHAQAALAHA.
Sal-u-dhigidda
iyo
hurumarinta
dhaqaalaha Dawlad Goboleedka
Puntland waa arrin muhiim ah.
Dhaqaaleheenu wuxuu ku salaysanaan doonaa:
• dhiiri gelinta suuqa xorta ah oo dar
dar gelinaya maalgelinta lahaanshaha gaarka ah (private sector);
• dakhliga dawliga ah (Public sector revenue), oo aan hadda is bixin
karin;
• dhaqaalaha hay’adaha caalamig
ah ka soo gala dalka oo hadda
mashaariicdii oo dhan istaagtay ammaan darro darteed.
Waxay xukuumadani fulin doontaa,
haddii Alle idmo
•In la helo miisaaniyad isu dheeli tiran, oo kharashku uusan dakhliga ka
badnayn,lana balaariyo ilaha
4
Nabar Aan Dawoobeyn.
(Sheeko Taxane Ah)
W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays
dakhliga dawladda, dakhliga baaqdana la soo xereeyo, si kor loogu
qaado mushahaarooyinka, iyadoo la
eexinayo kor u qaadidda maciishadda hoosaysa ee dadwaynaha. Haddaba, waxaa durbadiiba Xukumaddu
ku tallabsatay in la tirakoobo shaqaalaha iyo ciidamada Dawladda, si loo
ogaado inta dhab ahaan ka howlgasha hey’ad walba oo dawli ah, dabdeena la jaangooyo inta wasaarad
ama hey’ad waliba u bahaan tahay.
Tasi waxay wax weyn ka tareysaa
tayenta shaqada la qabanayo iyo
awood u helidda bixinta musharooyinka.
•
Inay dar dar geliso suuqa
xorta ah, si loo dhiiri geliyo maalgashiga debedda, loona helo horumar dhaqaale oo shaqo abuurid leh.
•
Inay xukuumaddu la dirirto,
xakamaysana, sicir bararka iyo lacagaha been abuurka ah oo dalka
la soo geliyo, ama lagu sameyn jiray
gudihiisa.
•
In la dhiiri geliyo horumarka
khayraadka dabiiciga ah ee beeraha,
iyadoo biyo mareenada waawayn ee
dalka looga faa’ideysanayo maalgalinta mashaariicda beeraha.
•
In si xawli ah loogu hawl
galo badbaadinta deegaanka oo ay
faro kulul ku hayaan cashiimaysiga,
dhuxul shidida, boholaha, qashinka
magaalooyinka iyo wasakhda biyo
mareenada.
•
In hay’adaha caalamiga ah
lagu dhiiri geliyo inay dalka dib ugu
soo noqdaan iyagoo amaankooda la
sugayo si mashaariicdii baaqatay iyo
kuwa cusub loo bilaabo.
•
In xukuumaddu ku dadaasho
inay tartiib tartiib u buuxiso farqiga
dhaqaale (Economic gap) oo ay hadda buuxiyaan hay’adaha caalamig
ah, si looga kaaftoomo ku tiirsanaantooda.
•
In la soo nooleeyo qorshihii
shanta sano oo la dhamaystiray, si
loogaga qaybtamo barnaamijka dib
u dhiska iyo horumarinta Somalia oo
loo yaqaan (Reconstruction and Devolvement Plan for Somalia).
QAYBTII 2AAD
“Idman, xabiibi, waan ku faraxsanahay in caawa markii iigu horreysey aan codkaaga maqlo…,” buu
Shirwac sheekadii ku furay isagoo
taas dhiirrigalin uga dhigaya Idman
oo uu codkeeda ka dareemay xishood iyo firkanax.
“Aniguna sidoo kale…,” bay ku
jawaabtey iyadoo ay weli naxdini
ka muuqato, codkeeduna uu weli
gariirayo sidii qof ay koronto qabsatay. Idman waxay ahayd gabdhaha
aadka ugu dhiirran ku-sheekeysiga
taleefannada. Waxay awoodi jirtey in
waxay doonto ay ku sheegto taleefanka. Waxay ahayd gabdhaha ka
baqa shukaansiga fool-ka-foolka
ah, balse ku dhiirran kan taleefanka. Laakiin, waxay wiilal dhaaxaa
taleefanka been ugu sheegto, kuwo
kalena caloosha kasoo riddaba, caawa iyada ayey haysataa, oo waatan
dhuunteedu uu hadalka kasoo bixi
la’yahay.
“Idman, xabiibi, maqalka codkaagu
wuxuu igu sii kordhiyey jacaylkii aan
kuu qabey, waxaan Eebe ka baryayaa inuu noo suurtageliyo in aan is
aragno…,” buu mar kale ku yiri.
“Xabiibi, shirwac, aniguna sidoo kale,
waanse is arki doonnaa haddii Eebbe isu keen qoray,” bay si dhiirran ku
tiri iyadoo aad mooddo in markan uu
xishoodku kasii ba’ayo.
“I love you…Waan ku jeclahay, Idman,” buu ku yiri intuu codkiisii hoos
u dhigay sidii qof ilmaynaya.
“I love you too…Aniguna waan ku
jeclahay, Shirwac,” bay ku tiri. Idman intey is celin kari weydey bay
is-aragtay iyadoo ilmaynaysa. Waxay qaadi kari weydey oo jirkeeda
gilgiley culeyska erayga ugu xoogga badan erayada oo dhan ee ah
‘Waan ku jeclahay’. Inkastoo aysan
ahayn markii ugu horreysey ee lagu
yiraahdo ‘Waan ku jeclahay’, misana
waxay ahayd markii ugu horreysey
nolosheeda ee ay si dhab ah u rumeysatay in la jecel yahay!!!.
Idman iyo Shirwac habeenkaas waxay taleefanka ku wada hadlayeen
muddo afar saac ah. Idman Waxay
keligeed yuururtey daaradda guriga
oo mugdi ahayd. Gurigoodu wuxuu
ku yiil xaafadda Garsoor oo caan ku
ahayd kaneecada. Dad badan ayaa
xaafaddaas uga guurey kaneeco
darteed. Idman habeenkaas waxay
wehel u noqotay kaneecadii xaafadda Garsoor ee albaabada iyo daaqadaha laga soo xirtay. Kaneeco tira
badan oo sidii Ayaxii raxan-raxan u
socota ayaa cuneysey meel kastoo
jirkeeda ka mid ah. Laakiin iyadu ma
aysan dareemeyn xanuunka kaneecadaas jiigga ka jaqaysey, waayo
waxaa ruxayey oo illowsiinayey dareen kaloo ka xoog weyn.
Hooyadeed oo aadaankii koowaad
ee salaadda subax ku toostay, intey albaabkii qolkeeda iska furtay
bay dibedda usoo baxday. Waxay
daaradda guriga ku aragtay gabadheedii oo keligeed dhex yuururta,
taleefankana dhegta ku haysa. Idman wax shanqar ah ma aysan dareemin. Xitaa furitaanka albaabka iyo
dhaqdhaaqa hooyadeed ma aysan
maqal. Waxay ahayd maqane-jooge.
Qolfoofteeda uun baa daaradda
dhex fadhidey mooyee niyaddeedu
meel kale bay ka heeseysay. Waxay
dhex dabbaalanaysey hirar ay rogayeen mawjado xoog badan. Dareenkeedu wuxuu Miniyaabolis kula
caweynayey gacaliyaheed.
Nuuro intey gabadheedii usoo dhowaatey iyadoo yaabban oo cabbaar
dhageysatey erayadii afkeeda kasoo
baxayey bay kaga nixisay: “Hooyo,
sidaan waa doqonnimo, orod oo
seexo, maxay tahay ‘Adigaan ifka
kuugu jeclahay’, naa wax iskula har,
waxaanse ka baqayaa in mar kale
jacayl aan jirin laguugu luggooyo
oo aad dabin kale lugaha la gasho.
Wacad Alla, qof waalan baad u egtahay…Naa orod oo seexo…”
Idman intey sheekadii taleefanka
si deggan usoo gabagabeysey bay
qolkeedii gashay iyadoo aan hooyadeed u jawaabin. Habeenkaas
waxay u ahayd habeen farxadeed.
Ma aysan seexan. Sariirta uun bay
ku galgalaneysey. Qaybta xusuusdhowrka maskaxdeeda ayaa kolba
ugu soo celcelineysey sheekadii
dheereyd ee dhex martay iyada
iyo Shirwac, waxaana daqiiqadba
daqiiqadda ka dambeysa kusii kordhayey jacaylkii ay u qabtay. Erayadii
jacaylku ka da’ayey oo ay is dhaafsanayeen ayaa ku reebay xusuus
aan marna guuri doonin. Idman iyo
Shirwac waxay habeenkaas ku heshiiyeen in habeen kasta ay taleefanka ku wada hadlaan.
Aroortii waagu markuu beryey bay
indhaha is gelisey. Hase yeeshee,
wax yar kaddib waxay indhaha ku
kala qaadday goor barqo ah hooyadeed oo dul taagan iyadoo leh:
“Naa, hurdada ka kacoo quraaco,
anigu ma garanayo danta aad leedahay, dan baadse leedahay, runtaase laysugu tegayaa, habeen kasta
taleefan baa lagu dhafrayaa. Allow
sahal amuuraha.”.
La Soco Cadadka Xiga
5
ILAYS NEWSPAPER
Somaliya: Sun Ma lagu Aasay?
‘’Maxaa Loo dilay Ilaria Alpi’
Qaybta 7aad
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Janaayo 2009
Telefishaanka RAI oo ka warbixinayey
maraakiibta SHIFCO ayaa sheegay
in xukuumadii hanti wadaagga ahayd
ee Talyaaniga ee ra’iisul wasaare Bettino Craxi ay maraakiibtaas
ugu deeqday dawladii kacaanka
Soomaaliyeed. Craxi waxa uu ra’iisul
wasaare ka ahaa Talyaaniga intii u
dhaxaysay August 1983 – April 1987.
Craxi waxa uu Soomaaliya booqday September 1985, isagoo noqday
ra’iisul wasaarihii Talyaaniga ee ugu
horeeyey ee Booqda Muqdisho.
Jariidadda Washington Post, cadadkeedii January 24, 1993, ayaa qortay qormo ay cinwaan uga dhigtay
“Xiriirka Talyaaniga: Sidii ay Rooma
u caawintay Burburka Soomaaliya.”
Jariidadda ayaa wax lala yaabo ku
tilmaamay sida uu Talyaanigu u burburiyey Soomaaliya isagoo isticmaalayey habka loo yaqaan Mashaariic
aad u baallaran oo hadana aan waxba dalka ku kordhinayn ama sii burburiyay. Waxaana jariidadu tusaale
u soo qaadatay in Talyaanigu uu
Soomaaliya ka “hirgeliyey” ilaa 114
mashruuc inii u dhaxaysay 1981 ilaa
1990 oo ay ku baxday lacag gaareysa billion dollars. Marka laga reebo
mashaariic kooban (sida mashruucii
tallaalka ee hay’adaha aan dawliga
ahayn), nidaamkii Talyaanigu waxa
uu aahaa wax aan caqliga geli karin
iyo khasaaro.
Jariidadda oo arrimahaas farta ku
fiiqeysey waxay tiri: Qiyaastii $250
million oo doolar ayaa lagu kharash
gareeyay jidka isku xira GaroweBosaso kaas oo dherer kiisu yahay
450 kilometers, jidkaas oo xoolaha
reer baadiyihu ay lug kaga gudbaan.
(Qoraa Soomaaliyeed oo markii ugu
horeysey booqday Jidka laamiga ee
isku xira Boosaaso-Garoowe ayaa
aad waxa uu ula yaabay jid dhexmaraya toggaga oo aan Buundo lahay, gaar ahaan xilliga roobku da’o
oo khasab tahay in laga istaago ilaa
biyuhu togga ka dhammaanayaan.
Qoraaga waxaa loo sheegay in ay
dhacday maalin roob da’ay in qof
dhakhtar degdeg ugu baahan gaari
lagu qaaday, laakiin maadaama
uu laamigu dhex jiifo togga ay biyo
xoog leh marayeen in muddo saddex maalmood ah qofkii xanuunsanaa lagu hayey gaarigii oo taagnaa
gebiga kale oo loo gudbin waayey
magaaladii dhakhtarku ku yaal).
Washington Post, waxay qortay:
Muqdisho cisbitaal ku yaal waxaa
lagu kharash gareeyey $40 million
oo lagu dhigay qalab aan farsamadiisa la socodsiin karin, muddo
kooban ayuuna cisbitaalkii ku
baaba’ay.
Xitaa
Jaamacadda
Muqdisho oo Talyaanigu hirgeliyeen
waxaa macallimiinta Talyaaniga ah
la siin jirey mushahar macallin kasta
oo gaaraya inta u dhaxaysa $16,000
iyo $20,000 bil kasta. (Arday dhigan jirey Jaamacaddii Muqdisho
ayaa xusuustay: in Jaamacadda la
keenay Telefoono casri ah oo lacag
aad u qaali ah laga soo bixiyey oo
lagu dhejiyey derbiya. Muddo koobanna la waayey meel ay telefoonadii ka bexeen. Sidoo kale waxaa
jaamacadda loo keenay Computerro, waxaana computeradii la geeyey
suuqa.. Macallin jamacadda wax
ka dhigi jirey ayaa yiri “marka aan
jaamacadda Muqdisho laba sano
wax ka dhigo waxaan guri weyn ka
dhisan doonaa xeebah aloo tamashla tago ee Talyaaniga!). Dad madax
ah oo ay Jariidaddu waraysatay
ayaa sheegay in mashaariicda WaxSoo-Saar-Wadaagga ee dhex maray
Talyaaniga iyo Soomaaliya aan wax
tixgelin ah lagu siin jirin raadka ay ku
reebayaan mujtaamaca Soomaaliyeed.
Soomaali badan ayaa is weydiinaya,
haddii xaalku sidaas ahaa xilligii ay
Soomaaliya dawladda ahayd, hadda
oo aan dawladi jirin xaggee xaalku
joogaa!
Cali Mahdi oo wax laga weydiiyey
Sunta Halista ah ee ku duugan
Soomaaliya. Gaar ahaan wadada u
dhaxaysa Boosaaso iyo Garoowe.
Waxa uu ku jawaabey
“Ma doonayo in aan ka hadlo jidka
u dhaxeeya Garoowe iyo Boosaaso,
sababtoo ah waxaa arrintaas la xiriirtaa xilligii Siyaad Barre. Soomaalidu
meel dheer ayey wax ka uriyaan oo
waxay leeyahay san si wacan wax
u uriya, waana arki lahaayeen haddii waxa noocaas oo kale ah la dhex
gelin wadooyinka Soomaaliya. Ma
heli kartid xitaa hal qof oo Soomaali
ah oo arrintaas ka hadlaya ama wax
ka sheegaya.”
Waxana uu Cali Mahdi intaas raaciyey
“Waxaa la igu eedeeyey in aan lacag ka qaatay Haraadiga Qashinka
oo lagu daadiyey badda caalamiga
ah oo aan anigu ansixiyay. Waa bad
caalami ah. Mana ilaalin karno xitaa 50 km oo xeeb ah, ma haysano
maraakiib, ma haysano wax aan ku
ilaalino. Sidaas daraadeed waxaan
aaminsanahay in dhaammaan arrimahaasi ay yihiin waxba kama jiraan, waa arrin la dhoodhoobay.”
Kaddib Cali Mahdi waxaa la weydiiyey: Ma garanaysaa ninka lagu
magacaabo Luciano Spada. Waxa
uu ku jawaabey
“Maya”.
Ma garanaaysaa Nicholas Bizzio?..
‘Maya’’, ayuu ku jawaabey.
Ma garaanaysaa Enzo Sacchetto?..
‘’Maya’’..
Ma garanaysaa Guido Garelli.?’
‘’ Maya.’’.
Ma garaneysaa Mashruuca “URANO”?.
“”Weligay ma maqal”’, ayuu kujawaabey Cali Mahdi. Markaas ayaa
la weydiiyey: xitaa ma maqal miyaa
ciyaarta lagu magacaabo sudoku?
‘’Maya’’ ayuu yiri Mahdi.
Laakiin Giancarlo Marocchino waxa
uu sheegay in uu la xiriiray dadka
aan xusay, gaar ahaan Garelli. Miyaadan aqoon Garelli? ayaa lagu yiri
Cali Mahdi oo ku jawaabey,
‘’Anigaa.... maya, ma maqal weligay’’.
Miyaan Garelli loo ansixin sun ku
duugidda Soomaaliya, ayaa la weydiiyey.
“Maya, sidee ayaan taas ugu samayn
kaa dalkayga,” ayuu yiri Cali Mahdi.
Markaas ayaa Cali Mahdi waxaa
la tusay warqadda uu ku saxiixan
yahay magaciisa oo uu u saxiixay
ninka lagu magacaabo Prof. Ezio
Scaglione.
Warqaddaas oo muujineysa in uu
ansixiyey goobo ama meelo ka mid
ah Soomaaliya lagu aaso Haraadiga
Qashinka. Waxaana la weydiiyey in
warqaddaas uu isagu qoray August
19, 1996. Taasna Cali Mahdi waa ku
gacan sayray.
Markii Cali Mahdi uu sheegay in warqaddaasi tahay been abuur la macmalay, ayaa waxaa la xusuusiyey
in ay ku saxiixan tahay calaamadda
Jamhuuriyadda Soomaaliya oo saxiixiisu ku yaal, waxaana la weydiiyey
in uu garaanayo ninka lagu magacaabo Dr. Nuur Cali Gacal (Gal)?
Waxaa Cali Mahdi ku jawaabey
AXAD 8 MARCH 2009
“Cali Gacal waan garaanayaa”.
Haddaba ayaa lagu yiri “Nootaayada
Dr. Nuur (Cali Gacal) ayaa Xaqiijisay
in Saxiixa ku qoran warqadda uu yahay Saxiixaaga.” Waxa uu markaas
Cali Mahdi yiri
“Maya, ma aha arrin aan samayn
karo.”
Waxaa markaas loo akhriyey wixii
ku qornaa warqadda. Warqaddaas
oo ku qoray Af-Talyaani oo SomaliTalk.com ku tarjumtey Af-Soomaali
waatan:
JAMHUURIYADDA SOMALIYA
XAFIISKA MADAXWEYNAHA
TIXRAAC:
JS/XM/4-189/1996
MUQDISHU: 19/8/1996
MADAXWEYNAHA
MARKAAN
ARKAY: Baahida Loo Qabo Hirgelinta Xarun/Goob lagu Kaydiyo oo lagu
Agaasimo Haraadiga Qashinka.
MARKAAN ARKAY:
Xiriirka Isaaminaadda iyo Wanaaggu ku
dheehan yahay ee naga dhexeeya
Muwaadinka Talyaaniga ah Professor Ezio Scaglione oo hore loogu
sharfay Latalinta Jamhuuriyadda
Soomaaliya.
WAREEGTADAN SOO SOCOTA
Aniga, oo ah Cali Mahdi, Madaxweynaha Kumeel-Gaarka ah ee
Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaan Wareegtadan aan Muqdisho
ka soo saaray maanta, 19 Agoosto
1996, kaddib markii aan tixgeliyay
Xeerarka/Qaanuunka xilligan la
joogo ka jira Dhulka Jamhuuriyadda
Soomaaliya.
WAXAAN ANSIXINAYAA
In la sameeyo Xarun lagu Kaydiyo
oo lagu Agaasimo Haraadiga Qashinka, Xaruntaas oo laga hirgelin
doono goobo ku haboon, taas oo
noqon doonta xarun la waafajiyo
xeerarka ammaanka iyo xeerarka
bay’adda/degaanka ee la xiriirta biyaha-dhulka/Juquraafi ahaa, iyadoo
loo agaasimayo adeeg si aad ah u
dhamaystiran oo loo ansixiyey, oo
leh ah meeshii lagu soo dejin lahaa,
meeshii la soo marin lahaa marka la
soo qaadayo iyo ugu dambayn meesha maadooyinkaas (xamuulkaas)
lagaga kaydinayo Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, sidaas daraadeed waxaan u ansixiyey Professor Ezio Scaglione in uu Hirgeliyo
Mashruucan (kor ku) Xusan.
Waxaa saxiixay: Madaxweynaha
Kumeel Gaarka ah Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cali
Mahdi Maxamed
Waxaa kale oo Cali Mahdi wax laga
weydiiyey in uu garanayo ninka lagu
magacaabo Giorgio Comerio? Waxana uu ku jawaabey.
‘Maya, ma garanayo’.’
LA SOCO AXADA DAMBE
AXAD 8 MARCH 2009
ILAYS NEWSPAPER
Dagaalkii Ogaadeenya.
Qormadda 2-aad
W
axaa kale oo jiray muran ku
saabsanaa wejiga ay qaaradda
Yurub yeelan doonto mustaqbalka,
gaar ahaan Jarmalka oo ahaa dalkii
jabay oo la hooshey. Waxaa arintaas
xigay, in Soofyeetigu uu faraha la
soo galo arimaha dowladihii ka dhisnaa bartamaha Yurub, gaar ahaan
degaanka Balkaan. Taasina waxay
ka dambeesay markii ay caga-dhigteen maamulladii shuuciga ahaa ee
dowlaaddii Midowga Soofyeeti ay
ka dhistay bariga qaaradda Yurub.
Arinta Balkaan, waxay kordhisay dareenkii dowladaha reer galbeedku
ka qabeen Soofyeetiga. Madaxweynihii Mareekanka S. Truman, ayaa
wuxuu gudoonshay in dowladdiisu
ay taageerto halgamada hubaysan
oo lagu diidan yahay cadaadiska siyaasadeed. Aragtidaas oo loo yiqiin
Truman-docrine, ayaa soo baxday
sanadkii 1947-kii, waxayna ku wajahnayd ka hor-tagga is-ballaarinta
shuuciyadda.
Mareekanka, si uu Yurub uga
saaro diiftii badnayd ee dagaalka ka
soo gaadhay ayuu wuxuu diyaariyay
mashruucii la magac baxay Marshall
Plane, kaas oo ujeeddadiisu ahayd
in qaaradda dib loo dhiso. Waxaa jiray qorshe arintan hoos tiil oo ahayd
in uu caqabad hor dhigo faafidda ay
aragtida shuuciyaddu ku soo baahayso Yurub. Sidaa darteed, Soofyeetiga iyo dowladihii la xulufada ahaa
waa ay diideen in ay qayb ka helaan
kaalmada Mareekanka uu bixinayay.
5/ 6- 1947-kii, xoghayihii dowladda
Mareekanka George C. Marshall,
markii ugu horeesay ayuu ku dhawaaqay howlaha lagu kicinayo dib
u habaynta dhismaha hoose ee
dowladaha qaaradda Yurub. Qorshahaas oo fulintiisa ay socotay
muddadii u dhaxaysay 1948 - 1952,
ayaa Mareekanka waxaa kaga baxay dhaqaale ka badan 13 bilyan oo
doolar. Xoolahaas waxay ku baxeen
kaalmo deyn ah oo loo qaybiyay
dhamaan dowladaha Yurubta galbeed. Waxaa halkaas ka abuurmay
xiriir is-kaashi oo xagga dhaqaalaha
ah ee dhex-maray dowladihii deeqdan qaatay iyo Mareekanka oo deeqbixiyaha ahaa. Xiriirkaas waxaa lagu
magacaabaa ECA (Economic Cooperation Act).
Dagaalkii Qaboobaa, ummado badan
ayuu dhibaato u geystay, isaga oo ku
keenay dhaawacyo culus hannaankii
nololeed iyo kii dhaqan-dhaqaale oo
ay hiddaha u lahaayeen. Taasina
waxay ka dambeysay dowladihii tabarta yaraa ee madax-bannaanida
qaatay ayaa siyaasad ahaan waxay
W.Q. Dr.Sadiq Enow
u diidanaayeen dowladihii gumeysatada, iyagoo u janjeersaday aragtidii
dowladihii reer bariga. Isla markaas
dhaqaale ahaan waxay ku xiraayeen
dowladaha reer galbeedka.
Mid kamid ah sababihii ugu horeeyay
is-diidkii siyaasadeed ee ka dhexdhacay xoogaggii xulufada ahaa ee
ku adkaaday dagaal-weynihii dunid
ee labaad (1939-1945), waxaa kamid ahaa isku-qabsigii ka talinta dhulalkii uu Talyaanigu ku haysatay dulmaamulka (Soomaaliya, Eriteriya iyo
Liibiya).
Liibiya markii ay xoriyad heshay,
Eriteriya waxaa federaal lagala dhigay maamulkii Itoobiya oo uu Xayle
Selaese boqorka ka ahaa. Soomaaliya waxay noqotay meel kale oo muran xoogan ka dhex abuurta siyaasaddii ay ku wada socdeen dowladihii
xulufada ahaa. Ingiriiska oo markaas
gacanta ku hayay dhamaan gobolladii Soomaaliyeed, marka laga reebo,
ayaa wuxuu soo bandhigay taladiisii
ahayd in isaga faraha looga qaado
maamulka gobolladan, dabadeedna
uu gaarsiiyo dowladnimo buuxda.
Faransiiska oo markaas Jabuuti gacanta ku hayay ayaa qaatay aragti ah
in talada Soomaaliya la hoos geeyo
Qaramada Midoobay Q. M. Soofyeetiga, wuxuu raacay taladii Faransiiska, wuxuuse ku darsaday in muddadaas la sameeyo maamul daakhili
ah oo Soomaalidu ay iyaga is-maamulaan. Mareekanka ayaa markaas
soo bandhigay talo ah in gobollada
koonfureed iyo kuwa bariga iyo bartamaha loo celiyo Talyaanigii laga
qabsaday. Sababtu waxay ahayd
hiilo uu u geysanayay Talyaaniga si
xisbigii dalka qabtay dagaalkii kadib
oo ahaa Christian Democratic uu u
helo qaab uu ku hanto maamulka
dalkiisa.
Waxaa kale oo jiray dhambaal uu
xambaarsanaa go´aanka Mareekanka, kaas oo ah in Ingiriisku garto in
uu dhamaadey xilligii uu siyaasadda
dunida ka ahaa kabiir wax yeeriya.
Mareekankana uu safka hore kaga jiro
dowladaha kala wareegaya xilkaas.
Sidaas ayay Soomaaliya waxay kaga
mid noqotay dhibanayaashii ugu
horeeyay ee uu Dagaalkii Qaboobaa
ku reebay raad xoog badan. Gobolkan Ogaadeenya ayaa wuxuu yahay
mid si toos ah iyo si dadbanba uu u
dhaawacay dagaalkaas. Ayaan darrada aanu la wadaagno dad-yowga
dhlkooda laysku haystay waxaa
inoo dheer, dowladihii xulufada oo
dhamaantood u janjeeray hiilka Xabashida. Waxaa taas ka culus
hiilada ay ka heleen caqliga Soomaaliyeed ee guracan ee aanan qaangaarin. Caqliga ku dabran is eegasho
gudaheena ah iyo u adeeg dan gaar
ah. Qoraalladeenaan hore waxaanu
wax kaga xuseynaa ummadihii uu
gaaray dhimbilihii dagaalkaas iyo is
maan-dhaafyadii uu ku reebay dowladihii adkaaday.
Bartamihii sanadkii 1948-kii, waxaa
dhimbil muran keentay ay ka shidantay magaalada Berliin. Dowladdii Soofyeetiga ayaa xayiraad ku soo
rogtay gaadiidkii dhulka ee u kala
shaqaynayay gobolladii Jarmalka
Galbeed iyo xaafadihii galbeedka
kaga yiil degmada Berliin. Waxaa xusid mudan magaalada Berliin, inkasta
oo afartii xoog ee adkaaday ay wada
galeen, misana ay bartamaha kaga
tiil dhulkii ay ciidamada Soofyeetiga
qabsadeen. Taasi waxay magaaladii
ka dhigtay jasiirad ku dhextaal badweyn ciidamadii casaa ah. Xiriirkii oo
xumaaday darteed, Soofyeetiga waxay maamulkii xulifada oo reer gelbeedka ahaa ka reebeen in ay xagga
dhulka ugu kala gooshaan degmada
iyo gobolladii ay haysteen.
27/ 6- 1948-kii ayay xayiraadaasi
bilaabatay. Arintaasi waxay ka danbeysay markii ay dowladihii reer
galbeedka ahaa damceen in ay Jarmalka u sameeyaan lacago mid ah.
Soofyeetiga ayaa markiiba lacag u
soo daabacay degaankii uu isagu
maamulayay ee ku yiil dhanka bari.
Taasina wuxuu uga dan lahaa in kala
gooynta Jarmalka ay noqoto qadiyad
aanan dood gelin.
Dhibaatada xayiraadda waxay socotay tan iyo 1/ 5- 1949-kii. Soofyeetiga ayaa markaas doonayay in uu
dagaal maskaxeed ku qaado reer galbeedka. Wuxuu bedelay muuqaalkii
ay lahaayeen xaafadahii magaalada
Berliin. Wuxuu dhisay derbi weyn oo
taagiisu yahay 4 m. oo magaalada
kala teeda. Dhanka bari waxay noqotay meel uu fadhiyo maamlkii isaga
la xulufada ahaa. Dhanka galbeed oo
ay ku noolaayeen dad laba melyan
gaaraya, ayaa muddadaas laga quudinayay xagga hawada. Muddadii ay
xayiraadu taagnayd, daqiiqad walba
dayuurad xamuul ah ayaa soo cagadhiganeysay gegida dayuuradaha ee
Berliin. . (Swedish National Encyclopedia. 1993. Vol. 2, p. 467).
Dowladihii reer galbeedka waxay xayiraadan kaga jawaabeen
in sanadkii xigay ay Jarmalka ka
dhisaan dowlad isu-tag ah oo ka
kooban gobolladii ay kala haysteen.
Waxaa halkaas ku baxay magaca
6
Dowladda Federaaliga ah ee Jarmalka. Isla sanadkaas waxaa la dhisay
is-bahaysiga ciidameed ee North Atlantic Treaty Organisation NATO.
Sanadkaas waxaa dhacay kacdoonkii degmada Parag oo markaas
ahayd magaaol-madaxdii dalkii la
oran jiray Tjeckoslovakia. Dad-weynaha kacdoonkaas dhigay waxay
diidanaayeen maamulkii shuuciga
ahaa ee halkaas ka dhisnaa. Waxaase cadaadiyay ciidamadii Soofyeetiga oo si toos ah ugu soo hiiliyay
maamul ay dhiseen rag shuuciyiin
ahaa. Dad gaaraya 100.000 ayaa loo
taxaabay xabsiyada iyo shaqooyinka
culus. Isla markaas dowladdii Soofyeetigu waxay bilawday in ay bariga
Yurub ka dhisto dowlado sita magac
dimoqraadiyadeed oo hal xisbi u
taliyo.
Dhismaha
is-bahaysiga
NATO,
Soofyeetigu waxay kaga jawaabeen,
in gobolkii ay ka haysteen Jarmalka
ay ka dhisaan dowladdii la oran jiray
Dowaladda Jarmalka Dimoqraadiga.
Waxaa kale oo ay dhiseen is-bahaysigii dhaqaalaha oo la oran jiray
COMECON (The Council of Mutual
Economic Cooperaion), kaas oo ku
dhisnaa wax is-dhaafsi iyo qeybsi
wax soo-saar.
Sanadkii 1955-kii, dowladdii Is-bahaysiga ee Jarmalkii galbeed, waxay
ku biirtay is-bahaysigii ciidamada
ee NATO. Soofyeetiga ayaa arintan
kaga jawaabay in uu dhiso is-bahaysigii ciidameed ee dowladihii reer
bariga oo la oran jiray WARSZAWA.
Waxaa halkaas ka abuurmay labo
xulufo oo haysta hub halis ah, kuwaas oo Yurub bartamaheeda degay, isla markaasna aragtidooda siyaasadeed ay is diidan tahay.
Bilowgii
sanadkii
1950-kii,
Mareekanku wuxuu heshiis la dhigtay Jabaan. Heshiiskaas waxaa ku
xusan in Mareekanku ka helo dhulka
Jabaan saldhigyo ciidameed oo uu
muddo dheer fadhiyo. Taasi waxay
ka caraysiisay dowladihii shuuciga
ahaa, gaar ahaan Soofyeetiga iyo
Shiinaha. Dabadeed iyada oo aanan
wax sabab ah oo horaysay eeyan
jirin, ayaa dowladda Waqooyiga
Kuuriya ay bartamihii sanadkaas,
ku duushay Kuriyada koonfureed.
Markaas
dowladda
Waqooyiga
Kuuriya waxay sheegatay in iyada
lagu soo duulay, runtuse waxay
ahayd in Soofyeetiga iyo Shiinuhu
ay gadaal ka taagnaayeen iyaga oo
kaga jawaabayay heshiiskii Jabaan.
Markiiba, dowladaha Mareekanka iyo Ingiriiska ayaa si buuxda ugu
hiiliyay Kuuriyada
Koonfureed oo
ciidamo u diray, iyaga oo weliba ogolaansho ka haysta Q. M. Markaas
waxaa bilowday in Dagaalkii Qaboobaa uu ka soo wareego Yurub,
isaga oo u soo tallaabay dowladihii
ku yiil bariga fog.
LA SOCO AXADA DAMBE
TOWFIIQ COMERCIAL CENTER
KALA XIRIIR SHIRKADA GANACSIGA EE TOWFIIQ
TELL:- 821111/16, OFFICE =825055/790003/790000
FOODSTAFF BUILDING=823018
BUILDING MATERIAL =826107
5
ILAYS NEWSPAPER
Telcom Puntland
AXAD 8 MARCH 2009
HORYAAL PRINTING
CENTER
Bosaso, Somalia
ADEEGYADA DAABACADEED
EE HORYAAL DIYAARKA KUULA
TAHAY
Shirkadda Telcom Punland oo ku soo kordhisay adeega GSM-ka (Mobile-ka) Features Casri ah
Garaac si aad u dalbatid adeegyada TELCOM-PUNTLAND
Riix si aad ugu darsato numberadda Family-ga (FN)
Riix si aad u Dalbato adeega numberada ku gafay (Missed call)
Riix si aad u ogaato lacagta kuugu jirta
Riix si aad lacag ugu shubato
Riix si aad u la xiriirto qaybta adeega macaamiisha
Riix Si aad Qof kale lacag ugu shubto
141
146
144
221
222
143
333
QORAAL AHAAN
Riix
Riix
Riix
Riix
Riix
Riix
Riix
si
si
si
si
si
si
si
aad
aad
aad
aad
aad
aad
aad
Lacag ugu shubato
u ogaato lacagta kuugu jirta
lacag u xawishid
u bedesho password ka
u ogaato Numberkaaga
u dalbatid deyn
u ogaato lacagta dheeriga ah
*141*pin#
*142#
*143#
*156#
*145#
*149#
*146#
•Divert all incoming calls :
* 2 1 * (Phone Number) # ok
•To Divert when no response:
* 6 1 * (Phone Number) # ok
oIn case of no access or busy
* 6 2 * (Phone Number) #ok
•Qaabka loo joojiyo Forwarding-ka Si aad u joojiso Forwardingka isticmaal # 21 # ok
•Qaabka lacagta loo xawilo adiigo isticmaalaya qoraal
*143#Password Number*1* 252 your number#
•Qaabka loo badasho Password
*156#Old Password#New Password#
Shirkadda Telcom puntland waxay ugu bishaaraynaysaa macaamiisheeda in
ay ku soo kor dhisay Landline-ka Features noocii ugu danbeeyay ee dunida
laga isticmaalo manta,shirkadda Telcom Puntland waxay kaloo ku sahashay
in landline-ka shirkadda aad u isticmaali kartid in aad lacag la’aan ku wacdo
goboloda puntland oo dhan
Buugta Akhriska
 Buugta Iibka
& Adeegyada
Bulshada
 Receipt
Vouchers
 Payment
Vouchers
 Invoices
 Cash Sales
 Daily Sheets
 Business Cards
 Envelops
Stickers
 Prescription
 Register Books
 Text Books
 I.D Cards
 Certifications
 Flyers
 Invitations Cards
KADALBO HORYAAL
DOOKHAAGA
DAABACADEED
WAQTIGA AAD RABTO, SIDA
AAD U RABTO
& QIIME KURAALI
GALIYA
Shirkada Telcom Puntland xarunteeda weyn waxay ku taal magaalada Boosaaso, waxaana
shirkadu ay xarumo ku leedahay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka Wixii Faahfaahin
ah:Tell: Tel: 002524500007 AMA 143 OO AH QAYBTA QANCINTA MACAAMIISHA
Wixii faahfaahin ah kala
xiriir
www.telcompuntland.com
Tell :- 824299/796169/
726169
[email protected]
BOSASO SOMALIA

Benzer belgeler

Waxaa qoray: xuseen Axmed Salaad.

Waxaa qoray: xuseen Axmed Salaad. baaxadiisu gaareyso 8 milyan oo hektar, kaas oo u dhigma 13% bedka dalka oo idil. Balse sababo badan aawadood dhulkaasi ma noqonin mid la beerto oo laga faa’ideysto. Sanadkii 1984tii waxay

Detaylı

Habka Magan Gelyada Calaamiga ah ee Turkey XUQUUQAAHA

Habka Magan Gelyada Calaamiga ah ee Turkey XUQUUQAAHA kuwaas ku yaala, magaloyinka kala ah Yozgat iyo Ezurum. Intaas waxaa dheer caruurta da, doo yarta oo cid la socon oo magan gelya raadiska ka ah turkigaga wax lo qorsheeyay goob xarmumo dawlada oo a...

Detaylı

Carwadan waxaa lagu soo bandhigi doonaa

Carwadan waxaa lagu soo bandhigi doonaa Carwadan waxaa lagu soo bandhigi doonaa akhbaaro iyo habab ganacsatada yar-yar ay ku heli karaan fursado lagu bilaabo ganacsi amaba ay ku balaadhiyaan ganacsigooda, oo ay ka mid yihiin:

Detaylı

Saygılarımızla, Riaz Shah, Aidan Sadgrove, Natasha Porter Müdür

Saygılarımızla, Riaz Shah, Aidan Sadgrove, Natasha Porter Müdür This  letter  is  available  online  in  other  languages   Bu  mektup  Türkçe  çevrimiçi  kullanılabilir   Ten  list  jest  dostępna  online  w  języku  pol...

Detaylı